Bandhigga 12-aad ee shaqada hal-abuurka sayniska iyo tignoolajiyadda ee ardayda iyo macallimiinta oo soo diyariyay xafiska waxbarashada ismamulka diridhaba ayaa maanta laqabtay.
Waxana munasibada bandhig aqooneedka kaso qayb galay oo ka hadlay , Duqa ismamulka Magaalada Diridhaba, Mudane Khadir Juhar, oo sheegay in Diridhaba,ay tahay magaloo warshadeed iyo ganacsi oo xor ah, gaar ahaana sayniska iyo tignoolajiyadda ahmiyad gaar ah u leh, Wuxuuna xusay duqu in shaqada lagu soo dhawaynayo ardayda tiknoolajiyada mustaqbalka la qaban doono.
Duqa ayaa sido kale sheegay in ardayda heerarka hoose ilaa sare ee maamulka Diridhaba ay ku hawlan yihiin shaqooyin badan oo ku saabsan sayniska iyo tignoolajiyadda.
Dhankisa mudane mudane Suldan Caliyi oo ah madaxa xafiska waxbarashada ismamulka diridhaba ayaa sheegay Qaab dhismeedka Waxbarashada is Maamulka Diri dhaba,u wado sidi loogu xiri laha ardayda iyo macallimiinta iskuulada, hay’adaha kale iyo kulliyadaha, jaamacadaha iyo warshadaha hormuudka dhanka tiknoolojiyada,wuxuna uga mahadceliyay macalimiinta sida wanagsan uga qayb qaatay barnaamijka.
Dhanka kale,mudane Roobel getachaw,oo ah Madaxa Xafiiska Shaqada iyo tiknoolojga ee is Maamulka Diridhaba, ayaa sheegay in tirada shaqooyinka hal-abuurka ah ay korodhay sannadkii la soo dhaafay ka mamuul ahaan.


