injineer jamaal ibraahim Madaxa xafiiska maaraynta magaalada dir dhaba.
Xafiiska maaraynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda magaaladani dir dhaba ayaa sheegay in qorshaha boqolka maalmood ee uu xafiisku leeyahay culayska lagu saaray sidii loo dadajin laha hawlaha uu xafiisku ka wado magaalada dhexdeeda ee kor loogu qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicdaba.
Xafiiska ayaa waxaa hoos imaada waaxyo kala duwan oo si toos ah u qusayso horumarinta magaalada sida wakaaladda biyaha iyo dareeraha, wakaaladda jidadka, wakaaladda bilicda iyo nadaafadda iyo waliba wakaaladda isku duwidda arrimaha bulshada oo intuba hawlo isku tiirsa ka wadaan magaaladani dir dhaba.
Injineer jamaal ibraahim ayaa sheegay in xafiiskiisu culayska saaray sidi looga jawaab bixin lahaa qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda magaalada iyo waliba ka jawaabidda baahiyaha xasaasiga sida jidadka, helidda biyaha nadiifta iyo waliba in kor loo qaado goobaha cagaaran ee magaaladani dir dhaba.
Sidoo kale wuxu intaasi ku daray in qorshaha boqolka maalmood uu yahay qorshe si toos ah uga soo dhaadhacay isla markaana uu raysul wasaare abiyi axmed (DR) tobobarki ugu danbeeyay ee ay masuliyinta heerarka kala duwan ay qaaten kaga hadlay in lasii xoojiyo horumarka dalka gaar ahaan kuwa sida tooska ah bulshadu uga faa’idaysanayso.
Xafiiska ayaa mudadi ugu danbaysay qabtay hawlo la taaban karo sida mashruuca marinnada wadooyinka, qurxinta waj’hadaha hore ee guryaha gaar ahaan kuwa ku yaala wadooyinka halbawlaha u ah magaalada iyo waliba kor u qaadka adeegyada kala duwan ee ay bulshadu xafiiskasi ka rabto.
Geesta kale injineer jamaal ibrahim ayaa sheegay in dadaal balaadhan la galiyay sidi loo soo dhamaystiri laha hawlaha dayactirka wadooyinka miyiga iyo magaaladdaba iyo dib u hagaajinta qasabadaha biyaha si ay bulshadu u helaan biyo ku filan.
Waxaa isasoo taraysa ka qayb galka bulshada ee la xidhiidha sidi ay bilicda magaaladu u wanaagsanaan lahayd iyado hadda uu socdo mashruuc weyn oo laga wado goobti hadda ka hor xashiishka magaalada la gayn jiray oo ay wadaan hay’adda UN gargaar dhaqaale oo laga helay bangiga aduunka.
Geesta kale waxaa adeeg dhamaystiran bilawday xarunta cusub ee kawaanka xoilaha iyado lagu qalabeeyay qalab casir ah isla markaana nadiif ah.


