wakaalada Dakhliga ee ismaamulka ee Diridhaba ayaa maanta ganacsatada la yeelatay dood ku saabsan daah furka Dhaqdhaqaaqa Canshuuraha ee 2017 iyo Xeerka Dakhliga Federaalka ee wax ka bedelka lagu sameeyay ee Lr. 1395 \ 2017.
Duqa magaalada Diridhaba mudane Khedir Juhar oo isla barnaamijkaas ka hadlay ayaa sheegay in canshuurtu ay wax weyn ka tarto kobaca iyo horumarka dalka, isla markaana ay maamulka ka wadaan howlo kala duwan oo horumarineed, gaar ahaan dakhliga kasoo xarooda bulshada canshuuraha bixiya. Waxa kale oo uu sheegay in bulshada cashuuraha bixiya looga baahan yahay inay ka qayb qaataan horumarka iyo magaaladooda oo ay ku bixiyaan cashuuraha ku waajibay wakhtigii loogu talo galay. Mudane Khedir Juhar ayaa ku dhawaaqay maalintaas.
Agaasimaha Guud ee wakaalada Dakhliga ismaamulka Diridhaba mudane Cabdusalaam Maxamed ayaa sheegay in maamulka cashuuraha ee maamulkaasi uu mudooyinkii u danbeeyay waday hawlo wacyi galin ah oo la xidhiidha cashuuraha waxana uu shaaca ka qaaday in sanadkan 2018ka la sii xoojin doono hawlihii wacyigalinta ee la qabtay mudooyinkii la soo dhaafay.
Isla maalintaas, waxaa la soo bandhigay xogaha iyo dood ballaaran oo ku saabsanayd ku dhawaaqida canshuuraha dakhliga federaalka ee tirsigiisu yahay 1395 \ 2017.


