waxaa shir weyne qabtay xisbiga barwaaqo laantisani dir dhabe shirkaasi oo lagu soo gunaanadayo labo sanno iyo badh guuradi kasoo wareegtay kadib doorashadi uu xisbigu ku guulaystay.

Shir weyanahani oo lagu soo gunnaanadayay kala badh xiliga uu talada hayin doono xisbiga barwaaqo ayaa hal ku dhag looga dhigay ‘’barwaaqayinta itoobiya waa balamaheena oo ficil u badilo’’ ayuu xafiiska xisbiga barwaaqo laantiisani dir dhabe soo diyaariyay madal ay kasoo qayb galeen masuuliyinta ismaamulka oo uu hor kacayo duqa ismaamulka mudane khadiir juhar, afhayeenada golaha wakiilada shacabka ismaamulka dir dhabe marwo fatxiya aadan iyo kuxigeenadeeda marwo kariima cali iyo waliba madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo laantiisani dir dhabe mudane ibraahim yuusuf iyo xubnaha xisbiga iyo martina sharaf kale.

Ugu horaynti waxaa lagu daah furay duco ay aabayaasha dhaqanku soo jeediyeen waxaana qudbada furitaanka ku furay duqa ismaamulka dir dhabe mudane khadiir juhar wuxuna sheegay labadi sano iyo badhki lasoo dhafay dadaalo badan la galiyay sidi kor loogu qaadi laha awood kobcinta masuuliyinta xisbiga oo tiro ahaan dhan 370 iyo waliba 50 kun oo ah xubnaha xisbiga xaga 250 kun oo shacab ahna lala qaatay kulamo is xig xiga oo lagu abuurayo kalsoonida shacabka isla markaana looga jawaabayo baahiyaha dhinacyada arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo waliba hirgalinta maamulka suuban.

Geesta kale mudane ibraahim yuusuf oo ah madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo laantiisa dir dhabe ayaa sheegay in xiliga doorashada ka hadhay ee labada sanno iyo badhka ah kor loo sii qaadi doono ka jawaabida baahiyaha shacabka iyado laga duulayo qorshaha 10 ka sanno ee dalka u yaala ayaa la hir gashay qorshayaashi dawlada ee labadi sanno iyo badhki lasoo dhaafay iyado shacabka ismaamulka lala kaashanayo wuxuna intaasi raaciyay in kor loo qaaday dimuquraadiyada xisbiga dhexdiisa iyo waliba dabagalka iyo qiimaynta shaqooyinka iyo nidaamka xisbiga barwaaqo.

Madashani ayay kasoo qayb galayaashi su`aalo iyo fikrado taabanaya waxqabadka xisbiga kasoo jeediyeen waxaana si wada jir ah uga jawaabay su`aalahaasi duqa ismaamulka mudane khadiir juhar iyo madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo l

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *