Ololaha tallalka Isku-dhafka ah ee cudurka dabaysha ayaa maanta ka furmay magaalada Diridhabe.

Barnaamijkan ayaa waxaa daah-furay kusi simaha Maayarka is Maamulka magalaada Diridhabe ahna Madaxa Xafiiska Horumarinta iyo Maaraynta Dhulka ee is Maamulka Diridhabe mudane Injineer Sajidh Caliyi, oo ay wehelinayeen bahda caafimaadka ee dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Al Markaz ee xafadda Lagahare.

Injineer Sajidh caliyi oo barnamijkasi ka hadlay ayaa sheegay in ay wadaan hawlo ballaaran oo lagu xaqiijinayo barwaaqada dalka, wuxuuna si gaar ah u sheegay; dhanka caafimaadka in laga shaqeeyay sidii loo heli lahaa oo kaliya balse sidoo kale laga shaqeeyo ka hortaga.

Kusi simaha mayaarka Injineer Saajidh ayaa sidoo kale tilmaamay in cudurka dabeysha uu ku dhaco carruurta, sidaas darteedna loo baahan yahay in carruurta la tallaalo si ay u koraan iyagoo caafimaad qaba; Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dhammaan waalidiinta inay tallaalaan caruurtooda, isagoo sheegay in maamulku uu tallaalka siin doono in ka badan 83,000 oo caruur ah.

Dhanka kale Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee is Maamulka Diridhabe, mudane Yuusuf Siciid, ayaa tilmaamay inay wadaan qorshe lagu talaalayo 100% carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee ku nool miyi iyo magaalaba ee ismaamulka Diridhabe.

Cabdilahi Cabdo

Sawirka: Salaam Ababe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *