Hawlo kala duwan oo tabaruca wax ah ayaa ka socda ismaamulka Diridhabe xilliyada xagaga ee 2017.
Maamulka dagmada 03 ayaa maanta hawlo is xilqad ah ka sameeyay dadka da’da ah ee ku dhaqan magaalada kuwaas oo qayb ka ah hawlaha xagaga.
Mudane Mitiku Hunayaw, oo ah gudomiyaha maamulka dagmada 03 ayaa sheegay in xiliyada xagaga ay fulin doonaan howlo kala duwan oo tabaruca ah oo aay ka mid, qabinta raashinka dadka wayeelka ah, maantana ay fuliyeen olole nadaafadeed, daryeelka waayeelka iyo barnaamijyo lagu caawinayo.
Madaxa Siyaasada iyo Xiriirka Dadwaynaha ee Dagmada 03 mudane Misraq Tafera, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in daryeelka iyo taakulaynta dadka da’da ah loo baahan yahay in qof walba uu mas’uuliyad ka saaran tahay, waxaana uu shaaca ka qaaday in howlaha samafalka ah ee la qabanayo xilliyada xagaga ay sii wadi doonaan.
Cabdilahi Cabdo
Sawirka:- mulalam Dessie.


