Dadka ku nool Magaalada Dir Dhabe ayaa sheegay inay si buuxda ugu diyaar garoobeen ka qaybgalka Doorashada Guud ee 7aad, taas oo la qorsheeyay in la qabto maalinta Isniinta.
Dadweynuhu waxay muujiyeen inay si weyn u sugayaan maalinta doorashada, iyagoo u arka fursad muhiim ah oo ay ku gudanayaan xuquuqdooda muwaadinimo isla markaana ay uga qayb qaadanayaan xoojinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Qaar ka mid ah shacabka magaalada ayaa sheegay inay si taxaddar leh u haystaan kaararkooda codbixinta, ayna diyaar u yihiin inay codkooda dhiibtaan marka la gaaro maalinta doorashada.
Waxay sidoo kale caddeeyeen inay ka shaqayn doonaan sidii geeddi-socodka doorashadu ugu dhici lahaa jawi nabdoon, hufan, isla markaana guul leh.
Sidoo kale, dhalinyarada, haweenka iyo dadka naafada ah ee markii ugu horreysay helay fursadda codbixinta ayaa muujiyay diyaar garow buuxa oo ay kaga qayb qaadanayaan doorashada.
Waxay ku baaqeen in dhammaan muwaadiniinta helay kaararka codbixinta ay ka faa’iidaystaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo ay codkooda dhiibtaan.
Dhanka kale, falanqeeyayaasha ayaa xusay in cod kasta uu muhiim u yahay mustaqbalka dalka. Waxay ugu baaqeen shacabka ku nool Dir Dhabe iyo deegaannada ku xeeran inay si waqti hore ah u tagaan goobaha codbixinta, si ay codkooda ugu dhiibtaan si nabad ah una gutaan waajibaadkooda qaran.
Ugu dambayn, shacabka magaalada ayaa muujiyay kalsooni iyo rajo ay ka qabaan in doorashadu ku qabsoomi doonto jawi nabdoon, cadaalad ah, isla markaana ka tarjumaya rabitaanka shacabka.


