#DGC /Cuur 26/2017T.I
Maayar ku xigeenka duqa ahna madaxa xafiiska ganacsiga malgashiga iyo warshaynta mudane xarbi buux ayaa qabtay madal dood cilmiyeed halku dhigiisu ahaa “Dadka Itoobiya way qaban karaan” oo ay iska kaashanayaan Xafiiska Isku xidhka wabiga biyo xidheenka ee ismamulka dir dhaba, xuska sanad guurada 14-aad ee ka soo wareegtay markii la dhagax dhigay biyo xidheenka wayn ee Itoobiya.
Sida uu sheegay maayar ku xigeenka magaalada dir dhaba mudane Xarbi Buux oo madashaasi goob joog ka ahaa ayaa sheegay in maalintan laga xusay dalkeena itoobiya 24/03/2010, waxaana sanad guurada todobaad laga xusayaa halku dhigiisu yahay “Midhihii isbadalka iyo Rajada Berri”. Waxa maalintan gaarka ah ka dhigaysa in maanta oo kale 24/03/2010 laga xusay dalkeena itoobiya.
Ku Xigeenka Duqa Ciidanka Militariga, ayaa sheegay in muddo bilo ah ay shaqaynayeen afarta marawaxadaha ee Biyo xidheenka Sidoo kale waxa uu sheegay in marawaxadaha haray ay isku diyaarinayaan in ay dhawaan shaqo bilaabaan.
Biyo xidheenka wabiga abay oo isku xidha Itoobiyaanka iyo jiilasha horumarka, isla markaana ah xudunta dhaqaale ee muhiimka ah, waa in si degdeg ah loo dhamaystiraa oo si buuxda loo hawlgeliyo,” ayuu yidhi Maayar ku xigeenka mudane Xarbi buux .
Mudane Ibraahim Yuusuf oo ah madaxa xisbiga barwaaqo ee laantisani dir dhabe ayaa sheegay in inkastoo ay caqabado badan soo wajaheen, haddana dhismaha biyo xireenka ee wabiga abay uu hadda marayo wajigii ugu dambeeyay.
Waxa uu sheegay in horumarada la sameeyay sanadihii ugu dambeeyay ay sahleen in si dhaqsi ah oo dhameystiran loo dhameystiro dhismahaasi.
Dr Temam Awal, oo ah gudoomiye ku xigeenka cilmi baadhista iyo wareejinta tignoolajiyada ee jaamacada dir dhaba ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ee madashan dood cilmiyeedka maanta ay tahay in aan muujino sida ay nooga go’an tahay in aan sii wadno aynu u hurnay shacab ahaan inta mashruucani dhamaanayo.
Dr. Temam ayaa xusay in jaamacada dir dhabe ay mudooyinkii udambe waday barnaamijyo wacyi galin ah oo ku saabsan biyo xireenka, waxa uuna sheegay in wadashaqeyntu ay socon doonto ilaa inta mashruuca laga soo gabagabaynayo, xitaa inta lagu guda jiro wareegii koowaad ee iibka dammaanadda.
Dhismaha biyo xidheenka ee wabiga abay Itoobiya ayaa 98% la dhamaystiray, ayuu yidhi mudane Habtamu Assefa, Madaxa Xafiiska Isku xidhka Ka Qaybqaadashada Dadweynaha ee ismamulka dir dhabe Biyo xidheenka wabiga abay .
Waxay shacabka ka codsadeen in ay kordhiyaan taageeradooda, maadaama howlaha dhiman ay u baahan yihiin maalgashi ballaaran.
Ka soo qeyb galayaasha madasha ayaa dhankooda sheegay in ay garab taagan yihiin bilowgii hore, waxayna sheegeen in ay u diyaar garoobeen gudashada waajibaadkooda inta laga dhameystirayo biyo xireenka.
Shucayb daahi
Sawirka Aganywo shewarega


