#warkaǀ Is-dhex galka bulshada iyo wada noolanshiyuhu maahin wax bulshada ismaamulka dir dhabe ku cusub ee waa mid ay dhaqan soo jireen ah u leeyihiin.

Barnaamij ay afur wadareed ah oo ay si wadajir ah usoo diyariyeen xafiiska maaliyada iyo huromarinta dhaqaalaha ee ismaamulka dir dhabe iyo xafiiska dakhliga ayaa ka qabsoomay beerta raaxada ee cali birra.

Afur wadareedkani ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyinta sare iyo shaqaalaha xafiisyadaasi wuxuna ujeedkiisu ahaa in la muujiyo wada jirka iyo is dhex galka ka dhexaysa shaqaalaha xafiisyadasi ee kala aaminsan diimaha kala duwan.

Marwo muluka maxamed oo ah madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee ismaamulka diri dhabe ayaa ugu horaynti ka hadashay barnaamijkani afur wadareedka waxayna sheegtay in Is-dhex galka bulshada iyo wada noolanshiyuhu maahin wax bulshada ismaamulka dir dhabe ku cusub ee waa mid ay dhaqan soo jireen ah u leeyihiin.

Geesta kale mudane cabdisalaam maxamed oo ah maareeyaha xafiiska dakhliga ismaamulka diri dhabe ayaa shaqaalaha ku booriyay in ay sii adkeeyaan xidhiidhka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya iyago shaqooyinka loo igmaday guulo ka gaadhaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *