Shir jaraa’id oo uu qabtay taliyaha guud komishineerka komishinka booliska ismaamulka dir dhabe mudane Alemu Megera ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray hogaanka iyo guud ahaan ciidamada booliska Itoobiya oo ku beegan sannad guurada 116 aad ee maalinta booliska.
Maamulka ayaa diyaariyay barnaamijyo kala duwan oo lagu xusayo 116 guurada ciidanka booliska Itoobiya.
Sanad guurada 116 aad ee booliska Itoobiya oo halku dhig looga dhigay “Ciidan booliis ah oo u koray wadan isbedelay!” ayaa waxaa inta badan lagu xusayaa uu boolisku u huray dhowrkii sano ee lasoo dhaafay si loo sugo nabadda, amniga iyo cadaalada dalka, shacabka si loo weyneeyo munaasabada ayaa maamulku waxa uu qaban doonaa tartan ciyaareed oo ay ka qeyb galayaan ciidamo badan oo boolis ah oo bilaabanaya 24 ka miicaad waxaana lagu soo gabagabeyn doonaa dhoolatus ciidan oo ka dhici doona garoonka caalamiga ah ee dir dhaba 30 miicaad .
Qayb kale oo ka mid ah barnaamijka ayaa ah qoraal cilmi baaris ah oo ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay taliska guud ee booliska ismaamulka dir dhabe sanadihii u dambeeyay iyo waxyaabihii u qabsoomay isbadalka ka dib iyo sidoo kale bandhig sawireed.
Hadaba waxaa lagu wargalinayaa dhamaan shacabka ku dhaqan maamulka in ay ka soo qayb galaan barnaamijyada ayna muujiyaan taageerada ay u hayaan booliska.
Shucayb daahir
Sawirka: Aganywo Shawaaraga


