Duqa Is Maamulka Diridhaba,Mudane Khadir Juhaar, ayaa daah furay mishiin casri ah oo ku qalabaysan alada caasriga ee Alinity, oo lagu tala galay cudurada faafa

Duqa magaalada oo ay weheliso wasiir ku xigeenka wasarada caafimadka Marwo Saxaarla Abddulahi ayaa maanta xadhiga ka jaray mashin caasri ah oo logu talagalay adeega cudurada fafa.

Duqa magaalada mudane khadir juhar oo halkasii ka hadlay ayaa sheegay in muunado laga soo qaaday mishiinka ay u direen magaalooyin kale si ay baaritaan ugu sameeyaan. Mashiinku wuxuu hadda tijaabin karaa muunado badan saacado gudahood wuxuuna door muhiim ah ka ciyaari doonaa bixinta adeeg degdeg ah ee macaamiisha.

Duqa magaalada Khadir, ayaa sheegay in agabka loo baahan yahay mashiinkan ay la jaan-qaadeen hay’adaha gaarka loo leeyahay, wuxuuna u mahad-celiyay hay’adaha ka soo qayb qatay qalabkan caasriga ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka,Marwo Saxaarla Cabdullaahi,ayaa dhankeda sheegtay in dhammaan mishiinnada ay tijaabin doonaan urka gacanta si aan qiiq lahayn si ay u helaan dawayn la isku halayn karo dadka isticmaala.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegtay in mishiinadan ay adeegyo sare u qaadi doonaan shacabka ku dhaqan magaalada Diridhaba.

Munasibadan ayaa waxaa kalo kaso qayb galay Agaasimaha Guud ee Adeegga Bangiga Dhiiga iyo Unugyada Itoobiya. Dr. Ashanafi Tazabaw iyo Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee Maamulka diridhaba Dr. Tsgeredha Kifle.

Ugu danbaynti,Xafiiska Caafimaadka ee is Maamulka Diridhaba.ayaa dhagax dhigay dhismaha bangiga dhiiga iyo unugyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *