Guddiga ayaa saddexdi maalmood ee ugu danbaysay ku sugnaa ismaamulk iyago kormeer ku ahaa geedi socodka xarunta ganacsiga xorta ah, habka ay u shaqeeyan sabooyinka warshadaha iyo waliba goobaha dalxiiska ku haboon sida xarunta tareenki hore, beerta lagu raaxaysto ee sida casirga aah loo habeeyay iyo waliba goobaha kale ee warshadaha.
Guddiga ayaa masuliyinta xafiiska oo uu hor kacayo ku xigeenka duqa ismaamulka dir dhabe mudane xarbi buux usoo ban dhigay inti ay kormeerka ku guda jiren wixi ay la kulmeen ee wanaagsana iyo waxa ay is lahaayen hogdonoolo ayaa ka jirta.
Kadib markay soo ban dhigtay marwo casha yaxye oo ah gudoomiyaha gudiga joogtada ee golaha shacabka JDFI ayuu mudene xarbi buux uu sheegay in ay fikirada guddiga joogtada soo dhawaynaya hawlahoodana gashi uga dhiganayaan sido kele wuxu sheegay in ay dir dhabe tahay goob ku haboon ganacsiga iyo waxsoosaarka warshadaha sidaa darteena xarunta ganacsiga xorta ee laga daah furay u bahan tahay in uu goluhu u ansixiyo bayaanka ay xaruntu ku shaqaynayso iyado hada wali sidi loo bahna ay hawluhu uguma dhaqaaqi ayuu idhi mudane xarbi buux.
Ugu danbayti ayaay marwo caasha ay uga mahad celisay sidi loo qaabliya inti ay ismaamulka ku sugnaayen ee loogu fududeeyay in ay hawlahooda u qabsadaan.




