Xubnaha Golaha Maamulka Diridhaba ee loo doortay inay matalaan degmada 4aad ayaa yeeshay kulan ay isugu yimaadeen dadwaynaha

Maamulka Diridhaba ayaa maanta yeeshay wareeggii 3-aad ee madasha matalaada bulshada iyadoo ay doorteen xubnaha golaha maamulka ee matalayay bulshada degmada 4.

Waxaa madasha lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay degmada qabatay sanadkan 2017, waxaana dood dheer laga yeeshay.

Madashan dood wadaagta ah ayaa dadka deegaanku waxa ay sheegeen in hawlaha horumarineed ee hadda ka socda degmada ay yihiin kuwo dhiirri gelinaya waxayna ku baaqeen in si weyn looga shaqeeyo shaqo abuurka dhalinyarada waxaana ay soo bandhigeen qaar ka mid ah dhibaatooyinka biyaha iyo waddooyinka ee la xiriira horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale ka qayb galayaasha dood warbixinta ayaa soo jeediyay fikrado ku saabsan dhibaatooyinka la xiriira qashinka, baahida loo qabo in la balaadhiyo dugsiyada degmada iyo arrimo kale oo la xiriira.

Ugu dambayntiina waxa madasha ka hadlay wakiilka degmada iyo madaxa xafiiska xidhiidhka dawladda ee maamulka Diridhaba Mudane mudane Brook Feleqe oo sheegay in uu jiro qorshe wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka madashaasi ka dhashay, isla markaana loo baahan yahay in si wada jir ah loo qabto.

Mudane Brook ayaa tilmaamay in uu si hufan uga shaqayn doono sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka jira isagoo la hadli doona dhinacyada ay khuseyso si looga jawaabo su’aalaha u baahan in xal laga gaaro heer maamul.

Sidoo kale, wakiilka degmada ahna madaxa hay’adda farsamada iyo ganacsatada ee maamulka Marwo Faadumo Mustafe ayaa dhankeeda sheegtay in hoggaanka iyo shacabkaba looga baahan yahay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, lagana hortago dadka sida sharci darrada ah u dhaca, isla markaana ay xoogga saarayaan sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *