Madal Wada tashii ah oo diiradda lagu saaray go’aamadii iyo awaamiirtii ka soo baxay shirwaynihii 2-aad ee Xisbiga Barwaaqo oo halku-dhiggiisu ahaa “Hadal-Dhaqan” Ayaa ka socda ismaamulka diridhabe.
Waxaa madasha ugu horaynti ka hadlay Mayaarka magaalada Diridhabe Mudane Khadir Juhaar oo sheegay in is badalka ka dhacay ismamulka diridhabe, laga soo bilaabo maamulka ugu sareeya, madaxda heerarkooda kala duwan aay so abaabuleen shacabka ismamulka min gole ilaa gole si loo sugo nabadgalyada iyo, xoojinta dhaqanka oo ah mid mujiya isjacaylka, walaaltinimada, iyo maamul adag oo ay ku wada noolaadaan dhamaan shucuubta, qoomiyadaha iyo shucuubta is dhax galka iyo is ixtiraamka Dhisidda awooda u yeelatay inay noqoto meel la doorbido dalxiiska shirarka marka laga reebo inay tahay xarunta waddooyinka horumarinta, beeraha warshadaha wax soo saarka iyo goobaha ganacsiga xorta ah.
Maayarku waxa uu intaa ku daray in hawlo badan oo wax ku ool ah la fulinayo si looga midho dhaliyo “Dhijital Diridhabe” iyadoo la siinayo adeegyo dagdag ah, hufan, casri ah oo ka nadiif ah tuuganimada iyo musuq-maasuqa iyadoo la fulinayo hawlo isbadal doon ah oo ku salaysan sifooyinka hay’adaha dawladda.
Sida ku cad taariikhda iyo halbeegga magaaladaa, 8.54 kiiloomitir oo waddo ah oo lagu rakibay kamaradaha amniga ee shan meelood oo kala duwan, biyo-mareenka caadiga ah, waddooyinka lugahaa iyo baaskiilka, dhismaha baarkinnada iyo akadamiyada ciyaaraha, iyo sidoo kale horumarinta cagaarka iyo mashaariicda la midka ah ee bulshadda logu talagalay; Waxa kale oo uu maayarku tilmaamay in hawlo badan laga qabanayo sidii magaalo horumar badan loo samayn lahaa iyada oo la horumarinayo waddooyin.
Sidoo kale, Maayirku waxa uu tilmaamay in xisbigu uu guulo gaadhayo isagoo si hufan u oofinaya balan qaadkii uu u sameeyay bulshada ismamulka isagoo fulinaya hawlo wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo wax soo saarka beeraha, iyada oo loo marayo Limat turufatka Raadka Cagaaran, ka qayb qaadashada iyo ka faa’iidaysiga haweenka iyo dhalinyarada, si loo yareeyo qiimaha maciishada, in dalka laga soo saaro wax soo saar wakiilo ah, in fursado shaqo loo abuuro xirfado, dalxiis, dib u hagaajinta caafimaadka.
Ugu danbayna waxa uu maayarku fariintiisa soo gaadhsiiyay isaga oo sheegay in la sii xoojinayo isla markaana la sii wado hawlaha isku xidhka ee ay shacabku bilaabeen sii aynu uu raacnaa awaamiirta iyo go’aamada uu xisbigu dajiyay si mustaqbalka dalku u gaadho horumar iyo barwaaqo.
Dhanka kale Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee is Maamulka Diridhabe Mudane Ibraahin Yuusuf ayaa sheegay in tan iyo markii la aas aasay Xisbiga Barwaaqo uu hormuudka ka yahay Isbadalka Xisbiga Barwaaqo, isla markaana uu xil iska saaray sidii loo dabooli lahaa baahiyaha shacabka.
Mudane Ibraahin waxa uu intaa ku daray in ka jawaabaay dhibaatooyinka uu maamulku arkay iyo su’aalaha bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay dadka ismamulku inta badan soo jeediyaan, gaar ahaan dagmooyinka , waxa aanu ku rumaynaynaa riyadeenii ah in aynu horumar iyo barwaaqo ku gadhno, innagoo samaynayna xidhiidh adag oo dhan walba leh, iyadoo loo marayo diblomaasiyad, nabadaysan, amni iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Ugu danbayntii waxa uu mudane Ibraahin fariintiisa ku sheegay inaay sii xoojinayan guulaha ka soo hoyday min gole ilaa gole, isla markaana ay ka gudbaayan caqabadaha soo food saara si xamaasad iyo hufnaani ku jirto, on xaqiijinaa saraynta iyo aqbalida hadalka guud, isla markaana an fulino go’aamadii iyo awaamiirtii laa dajiyay heerkii loogu talo galay.
Cabdilahi Cabdo
Sawir qade:Aganyaw Shawa araga


