Hay’adda Dire Micro Finance Institute Ayaa Xarunteedii 8-aad ka Furatay Xafadda Halole Ee Ka Tirsan dagmada 02 Ee Ismaamulka Diridhaba.

Waxanaa ugu horaynti xafladasi furitanka Ka hadashaay Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Ee ismamulka diridhabe Marwo Muluka Mohammad ayaa sheegtay in Hay,addani door wayn ku leedaahay sidii bulshada looga faa’iidayn lahaa

ku helidda lacago aay ku shaqaystan oo dayn ah.

Waxayna inta ku dartay inay hay,addu sii xoojiso shaqooyinka ay bilaabeen iyadoo hubinaysa faa’iidooyinka bulshada aay uu ledahay.

Geesta kale,Mareeyaha Hay,adda dire Micro Finance Mudane Tashome Ababe oo ka hadlay xafladasi ayaa sheegay in hay’addu ay bixiso adeegyada bulshada dakhligoodu hooseeyo iyo xirfada shaqo abuurista dhalinyaradda.

Waxa kalo u sheegay in hay,addu balaarisay adeegyada dhaqaalaha iyo adeegyada bangiyada oo dhan iyada oo loo marayo nidaamka uyala.

Xaflada lagu daah furayay ayaa waxaa kalo goob joog ka ahaa masuliyinta ismaamulka diridhabe, masuuliyiin ka tirsan hay,adda iyo bulshadda qaybehedda kala duwan.

Cabdilahi Cabdo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *