Magaalada Diridhaba waxaa ka dhacay madal fagaare ah oo lagaga hadlayay dhamaystirka biyo xidheenka wayn ee itoobiya.

Waxaa maanta la qabtay madal dood wadaag ah oo halku dhigiisu ahaa wax soo saarka iyo soo noolaynta dhamaystirka biyo xidheenka.

Khudbadii uu ka jeediyay madasha dood cilmiyeedka ayaa waxaa madasha dood cilmiyeedka ka jeediyay Duqa magaalada Diridhaba mudane Khedir Juhar oo sheegay in biyo xireenkeena wayen ee wabiga abay uu tusaale u yahay fulinta qandaraaska midnimada qarankeena oo ay itoobiyaanku ku bixiyeen dhiig iyo dhaqaalahooda..

Biyo-xireenkeena waeyn ee wabiva abay wuxuu tusaale nool u yahay fulinta qandaraaskeena midnimada, kaasoo noo sahlay inaan u istaagno sidii aan u wajaheyno dhibaato, waana tusaale nool oo muujinaya buuxinta dadka madow.

Waxa uu sheegay in biyo-xidheenku aanu ahayn oo kaliya meel ay Itoobiya ku horumaraan dhinaca korontada, balse sidoo kale uu astaan ​​u yahay soo noolaynta Itoobiya.

Duqa magaalada mudane Khedir Juhar ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in la xaqiijiyo barwaaqada caalamiga ah iyadoo la ilaalinayo niyadda fursadda, geesinimada iyo go’aan qaadashada, iyadoo la taageerayo meelaha ay dowladdu xoogga saartay iyo mashaariicda horumarineed ee maamulka, lana geliyo fikradda horumarka.

Waxaa madasha lagu soo bandhigay qoraal ka turjumaya faa’iidooyinka dhinacyo badan leh ee uu dhamaystirka biyo xidheenka ee wayen wabiga abay u leeyahay Itoobiya.

Xubnihii ka qeyb galay dood-cilmiyeedka ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin dhameystirka biyo xireenka wabiga abay , waxayna sheegeen in ay si hagar la’aan ah uga qeyb qaadan doonaan mashaariicda qaran ee ay dowladdu bilaabi doonto mustaqbalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *