Sanadkan 2017-ka ayaa la sheegay in laga shaqeyn doono ilaalinta ciidda iyo biyaha dhul dhan 5,550 hektar.

Iyadoo halku dhiga loo dhigay “Hantidena Barwaaqo” ayaa sanadkan 2017 laga billaabay barnaamijka isku dhafka ah ee horumarinta webiyada jiilaalka ee afarta kilastar maamul ee miyiga.

Isbadalka ismaamulka dir dhabe ka dib oo ay ka mid yihiin wax qabadyadii dhinacyada badan lahaa ee is bedelka iyo faa’iidada u soo hoyatay, waxaa ka mid ahaa waxqabadyadii ay shacabka si heer sare ah uga faa’iidaysteen, waxaana inta badan lagu xusaa horumarinta biyaha jiilaalka ee isku dhafan.

Waxa uu sheegay in ay tahay in si hufan loo socodsiiyo shaqooyinka laga qabtay horumarinta biyaha iyo sidii loo heli lahaa qiimo waara.

Shaqooyinka isku dhafka ah ee sanadkan lagu horumarinayo biyaha ayaa waxaa ka mid ah ilaalinta ciidda iyo biyaha oo laga sameeyay 5,550 hektar oo dhul ah, iyadoo la dhimay nabaadguurka ciidda 3.7 boqolkiiba iyo 48,685 tan oo carro nabaad guur ah oo daadadku qaadi karaan.

Tani waa qorshaha uu sheegay Madaxa Xafiiska Beeraha, Biyaha, macdanta iyo Tamarta ee ismaamulka dir dhabe mudane nuuradii cabdalah .

Shucayb daahir

Sawirka: tedhiroos lu’usagadha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *