Warka Waxaa Lasheegay In Shaqooyinka Warbixinta Sida Habraacyada Xilii ku habbon Oo Tayo leh Bulshadda Logadhsiyo.

Xafiska Isgadhsinta Arrimaha dawlada ee ismamulka diridhabe ayaa qabtay barnaamij lagu aqoonsanayo laguna qiimaynayo guulihii u qabsoomay bahda isgaarsiinta iyo warbaahinta ee sanadkii 2016-ka.

Waxana ugu horaynti barnamijkan ka hadlay Madaxa Xafiiska Arrimaha Isgaadhsiinta Dawladda ee Is Maamulka Diridhabe,Madane Buruuk Falaqee, oo sheegay in hawlaha ku saabsan u gudbinta bulshada xog tayo leh sanadkan ay sii wadi doonaan inay sii xoojiyaan.

Waxaa kalo uu sheegay mudane buruuk in la sii xoojin doono howlihii la soo billaabay sannadkii 2016ka isagoo sheegay in wax laga qaban doono waxyaabahay wax ka dhimanyihin.

Geesta kale Ka qaybgalayaashii barnaamijka ee aqoonsiga iyo abaal marinada la guddoonsiiyay ayaa tilmaamay in aqoonsiga iyo abaal marinaha la guddoonsiiyay ay ku dhiirigalinayaan inay dadaalkooda ku adaan dhanka isgadhsinta sii wadii doonan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *