Ololee Nadaafadded Ayaa lagu qabtay dagmada 02 Ee ismamulka diridhabe.

Maamulka dagmada 02 oo kaashanaya xiriirka kubbadda cagta iyo kooxaha ka qayb galaya tartanka ayaa olole nadaafadeed ka sameeyay garoonka kubadda cagta ee Sabiyan.

Waxana ugu horaynti halkasii ka hadlay guddomiyaha dagmada 02 Mudane Abel Misraq oo sheegay ujeedka ololahani yahay sidii magalada diridhabe loga dhigii laha nadiif oo lagu raaxaysto dadkuna nadafada ka dhigtan dhaqaan.

Sidoo kale dadkii ka qayb qaatay ololahan nadaafadeed ayaa sheegay in haddii aynu ilaalino nadaafadda magalada aynu ku guulaysanayno hadafka laga leeyahay ee ah in diridhabe laga dhigo mid qurux badan oo nadiif ah.

Sidoo kale waxaa ololaha nadaafadda ka qayb qaatay madaxda dagmada, ciyaartoyda kubadda cagta ee naadigyada kala duwan, iyo bulshada dagmadasii ku dhaqaan.

Cabdilahi Cabdo

Sawir qade:Mulalam dhase

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *