Waxaa si weyn loo aaminsan yahay in dhalinyaradu ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarinta bulshada, iyagoo had iyo jeer ku lug yeesha shaqada iskaa wax u qabso, daryeelka deegaanka iyo ka qayb qaadashada arrimaha waxtarka u leh bulshadooda. Arrintaas darteed, Xafiiska Laanta Xisbiga Barwaaqada ee Dire Dhabe, isaga oo kaashanaya Garabka Dhalinyarada, waxa uu hirgeliyay olole nadaafadeed iyo daryeel geedo ah oo la xiriira adeegga iskaa wax u qabso ee xagaaga 2018.

Mudane Ibrahim Yusuf, oo ah Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqada ee laanta Dire Dhabe isla markaana ka qayb galay barnaamijka, ayaa sheegay in ololaha nadaafadda lagu fuliyay wada shaqeyn lala yeeshay dhalinyarada, halka daryeelka geedahana loo sameeyay geedihii la beeray intii lagu jiray shaqada iskaa wax u qabso ee xagaaga 2017. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dhalinyaradu ay si joogto ah uga qayb qaataan shaqooyinka iskaa wax u qabso, isla markaana ay masuul ka yihiin ilaalinta iyo daryeelka deegaankooda.

Madaxa xafiiska laanta Dire Dhabe ayaa intaa ku daray in sidoo kale la qabtay hawlo lagu taageerayo shaqaalaha dakhligoodu hooseeyo, sida ka shaqaynta dhulka iyo beerista miro kala duwan oo loogu talogalay in loo adeegsado cunto ahaan, iyadoo la raacayo hal-ku-dhegga ah: “Cuntadaydu waxay ka timid beertayda.” Wuxuu ku boorriyay dhammaan hay’adaha leh dhul ballaaran in ay ballaariyaan khibraddan, isla markaana ay horumariyaan goobahooda shaqo iyagoo beera dhir iyo miro kala duwan oo ay iyagu iska beertaan.

Dhalinyaradii ka qayb qaadanaysay barnaamijka ayaa iyaguna muujiyey in ay muhiim tahay in si joogto ah loo daryeelo geedaha yaryar, ma aha oo kaliya in la beero. Gebogebadii barnaamijka, dhalinyaradu waxay sidoo kale sameeyeen hawlo isboorti oo lagu xoojinayo caafimaadka iyo isku xirnaanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *