Xuskani oo ku beegan 23 bisha cirir ayaa maanta si meeqaam sare leh loogu xusay hoolka xafiiska duqa ismaamulka oo ay kasoo qayb galeen marti kala duwan.
Furitaanki barnaamijka lagu maamuusayay guusha adhwa ayaa waxaa ka hadlay madaxa xafiiska war-faafinta iyo xidhiidhka dadweynaha mudane buruk falaqe ayaa sheegay in ay guushani kaliya gaar u ahayn cid qudha oo ay leeyihin itoobiyaaniinta iyo dadka madaw ayna tahay in lagu faano lana ilaaliyo taariikhda ku xardhan guushasi.
Munaasibada ayaa lagusoo bandhigay nuqul ka hadlaya taariikhda guushani iyo sida ay u haboontahay in jiilka danbe la gaadhsiiyo iyado la xasuusanayo halganki aabayaasheen.
Xuskani ayaa waxaa kasoo qayb galay aabayaasha dhaqanka, culima’udiinka, shaqaalaha dawlada iyo marti ka kala socota qaybaha kala duwan ee bulshada ismaamulka.


