Kooxda Xulka Qaranka Itoobiya (Walia) ayaa si rasmi ah u soo gaartay magaalada Dir-Dhabe, halkaas oo ay ugu diyaar garoobayaan ciyaarta lugta labaad ee ay la yeelanayaan xulka Sao Tome iyo Principe.

Xulka Qaranka Itoobiya ayaa guul muhiim ah ka soo gaaray ciyaartii lugta hore, iyagoo 3-0 ku garaacay Sao Tome iyo Principe, taas oo sare u qaaday rajadooda ku aaddan u soo bixista isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee 36-aad.

Markii wafdiga xulka Qaranka Itoobiya ay soo gaareen Garoonka Caalamiga ah ee Dir-Dhabe, waxaa si diirran u soo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ismaamulka, oo ay ka mid yihiin Madaxa Xafiiska Duqa magaalada Mudane Gebeyehu Tilahun, Komishinerka Komishinka Ciyaaraha Mudane Khalid Mohammed, Madaxweyne ku-xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta Mudane Yahye Abadir, xubno ka tirsan golaha, iyo sidoo kale xubnaha golaha wasiirrada.

Labada xul ayaa la filayaa in ay ku kulmaan Garoonka Caalamiga ah ee Dir-Dhabe, ciyaartaas oo dhici doonta maalinta Talaadada, bisha Megabit 22-keeda, 2018, haddii Eebbe idmo.

Ciyaartan ayaa si weyn loo sugayaa, iyadoo taageerayaasha kubadda cagta ay indhaha ku hayaan in xulka Walia ay sii xoojiyaan guushii ay horay u gaareen, isla markaana ay u tallaabaan wareegga xiga si sharaf leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *