Waxaa Laa Sheegay In Adeega hal goob ee Mesob dire Aay si Wayn u Xoojinaysoo dadaalka loogu jiro xaqiijinta dirirdhaba Casriyaysan.

Waxaa maanta si rasmi ah loo daah furay Adeegga Xarunta hal goob ee laga dhisay ismamulka diridhaba.

Duqa ismamulka diridhaba mudane Khadir Juhar oo dah furka xarunta ka hadlay aya yidhi in Dhismaha xarunta ee hal goob ay door aan la bedali karin ka qaadan doonto sidii dib u habaynta adeega dawlada iyo maamulka ee lagu hirgalin lahaa heer maamul ay noqon doonto mid taabo gal ah,waxana ay si wayn u xoojin doontaa dadaalka loogu jiro xaqiijinta casriyaynta magalaada Diredhaba iyada oo la abuurayo awooda adeegyada hay’adaha oo lagu taageero tignoolajiyada, hufnaanta iyo tayada.

Dhanka kale,Wasiirada wasarada Adeegga Isgaadhsiinta ee Dawladda Faderaalka Itoobiya Marwo Ihittaalem Males, oo qayb ka ahayd munasibada furitaanka goobta ayaa sheegay inaay aad ugu faraxsan tahay in adeeggan hal bowlaha ah oo si wayn loo hirgaliyay, isla markaana si wayn u xallinaya mushkiladda adeeg-bixinta uu ka hirgaliyey ismaamulka magaalada Diridhaba, taasoo ka dhalatay hindisaha R/ Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Dr. Abiy Axmad.

Ku xigeenka duqa ismamulka diridhabe ahna madaxa xafiska ganacsiga,warshadaha iyo malgashiga ee is Maamulka Diridhaba Mudane Xarbi Buux,ayaa sheegay in aay xaruntani fulinayso dib u habaynta shaqada qaranka iyo maamulka, waxana uu wadaa hawlo dhinacyo badan taabanaya si adeega hay’adaha dawladu u noqdo mid hufan, tayo leh, teknoolajiyada lagu taageerayo, lana wada gaadhi karo. Iyada oo qayb ka ah hirgelinta dib u habaynta iyo hindisaha R/WasaarahaDr. Abiy Axmad, waxaa la soo gabagabeeyey dhismaha xarunta adeegga ee hal goob ee Mesob Dire oo diyaar u ah in aay adeeg bixiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *