Maktabadda Imirta oo loo dhisay qaab casri ah oo heerkeedu sarreeyo, isla markaana ay gacan ka siiyeen maamulka iyo iibka buuga jiilka Madhamer ee uu qoray Ra’iisal Wasaare Abiy Axmad (PhD), ayaa hadda la dhamaystiray, waxaana dhawaan loo furi doonaa bulshada ismamulka, sida uu sheegay Madaxa Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska ee is Maamulka Diridhabe mudane Wondhasen Abay.
Mudane Wondhasen, waxa uu tilmaamay in Maktabadu ay qaadi karto ku dhawaad kun qof markiiba, waxa uu sheegay in ay kaalin mug leh ka qaadan doonto horumarinta dhaqanka wax-akhris ee reer Diridhabe marka ay bilowdo adeegyada.
Madaxa ayaa sheegay in maktabadda loo sameeyay in ay noqoto mid soo jiidata akhristayaasha oo ay ka mid tahay qolka ICT-ga, meelaha wax lagu akhriyo ee ku habboon dadka naafada ah, goob dood wadaag ah oo ay isugu yimaadaan aqoonyahannada iyo cilmi-baarayaasha, maqaaxi, musqulo heersare ah, baarkin qaadi kara in ka badan 40 baabuur, xarun lagu xannaaneeyo carruurta, qolalka ammaanka iyo kaabayaasha kale.
Mudane Wondhasen, ayaa sheegay in maktabaddu ay ku shaqayn doonto saddex saacadood 24 saac maalintii marka ay bilowdo; Sidoo kale waxa uu baaq u diray dadka inay maktabadda ugu deeqaan buugaag, kumbuyuutaro iyo qalab kale oo la mid ah.


