Injineer cumar ducaale :- madaxa xafiiska dhismaha iyo horumarinta guriyaynta ee ismaamulka dir dhaba.
Dir dhaba oo ah magaalo hadda ka hor lagu yaqaanay dhinaca qorshe ahaga magaalada oo laga dareemi karo in ay tahay magaaladu mid ilbaxnimo iyo xadaaradi ka jirto ayuu wuxu wada xafiiska dhismaha iyo horumarinta guriyayntu talaabooyin kor loogu qaadayo isla markaana mustaqbalka danbe qorshe hage la jaan qaadi kara fiditaanka magaalada la sameeyay.
Madaxa xafiiska injineer cumar ducaale ayaa sheegay in ay magaaladani dir dhabe tahay magaalo u baahan in dib loo casriyeeyo dhismayaasheeda iyo wadooyinkeedaba iyado aan wax loo dhimaynin dhismayaasha tarikhiga ee ay magaaladu caanka ku tahay.
Sido kale injineer cumar ayaa intaasi ku daray in ay magaaladu fidayso isla markaana isasoo tarayaan baahiyaha loo qabo guryaha lana diyaariyay goobo laga dhisi doono guryaha real state ka loo yaqaano iyo guryo-wadareedyada ay dadka awoododa dhaqaale hosayso loogu tala galay in ay ku noonadaan.
Dir dhabe oo ah xarun ganacsi oo isku xidha waddamada jaarka iyo dalka isntiisa kale ayaa ah magaalo kobcaysa oo fursado badan oo dhinacyada ganacsiga iyo warshadaynta ay ku so hiranayaan malgaliyayaasha dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka kala imanaya.
Iyado ay hadda dir dhabe leedahay 17 goobod oo hadda ka hor laga dhisay guryo-wadareedyo ayaa wali baahida loo qabo guryaha dadaal loogu jira in kor looqado tirada hadda jirta iyado wakhti dhawna gurahaasi qaarkood la samayintoono qori tuurki lagu heli lahaa guryahaasi oo tiro ahaan dhan548 guri.
Injineer cumar ayaa sheegay in xafiiskisu dadaal aan kala’go lahayn uu ugu jiro sidi dir dhabe looga dhigi lahaa mid bilicda waddooyinkeedo sareeyan kuna haboon in lagu noonaado kana jiraan fursado kor u qaadaya nolosha bulshada.


