Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay shil tareen oo lama filaan ah oo so gadhay tareenka diridhaba dawanle, sida uu warbaahinta u sheegay madaxa shirkadda tareenka Diridhaba dawanle Mudane Ayale Woldha yohannis, oo maanta warbaahinta la hadlay.
Shilkaas waxaa ku dhintay sida laxaqijiyay 1 qof oo shaqaale ah iyo 14 rakaab ah, 28 kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo halis ah iyo kuwo fudud, halka13 ruux dawayn losameyay ooy guriyoda lageeyay,waxana hada hadhay 7 ruux oo lagu dawaynayo isbitaalka sida uu sheegay masuulku.
Tareenku waxa uu siday 8 isjid, 6 isjid oo kuwa xamuulka iyo 2isjid oo kuwa rakaabka qada ah, waxana shilka sababay sida uu masulku uu sheegay tareen kaso kicitimay dawanle oo ku wajahna magalada diridhaba kadib iska hori imad isjid kaso goostay kii magalaada diridhaba usocday iyo ku hooray u joogay dhabada xadidka magalada shinile.
Shilkan ayaa yimid markii uu Tareenku yimid magaalada Diridhaba dalacadna ahayd , waxaana uu ku soo laabtay 10 daqiiqo gudaheed shilkuna isla wakhtigas ku dhacaay.
Waxayna sheegtay shirkaddu inay aad uga xun tahay dhibatada halkasi ka dhacday.
Waxa ay sheegtay in ay la shaqaynayaan hay’adaha ay khusayso sidii loo taakulayn lahaa qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaadhay.
Wuxuuna sheegay masuulku in u mahadcelinayoo mamulka gobalka sitii iyo bulshadda ismamulka oo dadaal wayn ka gaystay samata bixinta dhibatada dhacday.
Shirkada Tareenka ee Diridhaba Dawenle ayaa qaada isbuuci 2 jee rakaabka iyo agabka warshadaha,shirkadda ayaa 3 bilood gudoohod qaday 3,975 rakaab iyo 4 milyan oo agaab ah.
Waddada Tareenka ee Diridhaba ila Dawanle ayaa tan iyo inti aay shaqda bilooday wax shil ah so gadhin,wuxuuna masuulku hoosta ka hariqaay inaay shirkaddu shaqada dhawaan dib u bilabii doonto.


