Xisbiga Barwaaqo Ee Laanta Diridhabe, ayaa qabtay kulan dood cilmiyeed ah ku saabsan sidii hawlihii u qorshaysnaa ee sanadkan 2018-ka looga midho dhalin lahaa.

Xisbiga Barwaaqo ee laantiisani magaalada Diridhabe ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsan qorshaha sanad miisaaniyadeedka 2018ka la yeeshay mamulada dagmooyinka, iyo hay’adaha kala duwan ee ururka xisbiga barwaaqo .

Madashan ayaa la filayaa in hogaanku uu soo dajiyo qorshahan sida ay u abaabulan yihiin hay’adahooda, tababaro iyo ogaysiisna ku sameeyaan, waxaana madashaasi ugu horaynti ka hadlay Mudane Shaakir Axmad, oo ah ku Xigeenka Xafiiska xisbiga Barwaaqo ee laantisani Diridhabe ahna Madaxa Qaybta Kobcinta Siyaasada iyo Tayaynta, ayaa sheegay in Madasha lagaga dooddayo qodobbo wax looga qaban karo si sax ah loo fahmo xaaladda dhaqaale ee siyaasadda, shaqadana si hufan loo dhiso, in si sax ah loo dhiso awoodda hoggaanka iyo xubnaha, xoojinta shaqada hal-abuurka bulshada iyo sidii looga bixi lahaa saboolnimada loona gaadhii lahaa wax soosaar, iyo in la sii wado shaqada dadwaynaha ku salaysan si kor loogu qaado qanacsanaanta bulshada; iyo guud ahaan in si buuxda loo dhaqan galiyo hawlaha u qorshaysan waaxda sanad miisaaniyeedka 2018, lagana midho dhaliyo.

Agaasimaha Hoggaanka Siyaasadda ee Waaxda Siyaasadda iyo Tayaynta ee Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laantisani Diridhabe, Mudane Ayuub Bakri, ayaa dhankisa tilmaamay in horay loogu diyaar garoobay sidii ay doorashada toddobaad ee soo socota u qabsoomi lahayd si nabad ah, dimuquraadi ah oo caddaalad ah, isla markaana ay tahay mid shacabku raali ka yahay oo lagu kalsoon yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *