Shaqooyinka horumarinta waddooyinka ee ka socda Degmada 09 ee Dire Dhabbe ayaa si weyn wax uga beddelaya caqabadihii horay u haystay dadka lugeynaya iyo gaadiidka, kuwaas oo la xiriiray waddo la’aan iyo marinno ciriiri ah.
Dadka deggan Degmada 09 ayaa sheegay in ka hor horumarinta waddooyinka ay jireen guryo ka samaysan alwaax iyo daasad oo ku yaallay hareeraha waddooyinka, balse haatan la arkayo guryo si casri ah loo dhisay oo si qurux badan loo dayactiray, taasoo muujinaysa isbeddel muuqda oo ku yimid deegaanka.
Sidoo kale, bulshada deegaanka ayaa tilmaamay in haatan la dhisayo guryo waaweyn oo adag, taasoo sare u qaaday bilicda guud ee Degmada.
Waxay sidoo kale sheegeen in horumarkan uu dhiirrigelinayo iskaashi iyo iswaafajin bulsho, iyagoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan ka-qaybqaadashada dadaallada horumarineed.
Madaxa Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee Degmada Dire Dhabbe, isla markaana ah Hoggaamiyaha Taageerada Degmada, Injineer Cumar Ducaale, ayaa sheegay in horumarinta waddooyinka Degmada 09 lagu fulinayo afar marxaladood, kuwaas oo kala ah:
Laga bilaabo Masaajidka Baabu Raxma ilaa Qabuurah Masiixiyiinta,
Laga bilaabo Buundada ilaa Koten,
Iyo laga bilaabo Qabuuraha Masiixiyiinta ilaa Taf, oo ah waddada isku xirta Dire Dhabbe iyo Jabuuti.
Injineer Cumar ayaa xusay in dadaal xooggan lagu bixinayo sidii Degmada looga dhigi lahaa mid nadiif ah, bilicsan, isla markaana casri ah, iyadoo si buuxda loo beddelayo muuqaalka guud ee deegaanka.
Dhankiisa, Madaxa Fulinta Degmada, Mudane Xassan Cumer, ayaa sheegay in shaqooyinka horumarinta waddooyinka laga fulinayo dhammaan waddooyinka waaweyn iyo kuwa gudaha ee Degmada, isla markaana lagu darayo qurxin, nalal iyo hawlo cagaarin ah, si loo helo deegaan ku habboon nolol iyo ganacsi labadaba.
Horumarkan ayaa la filayaa inuu si weyn u hagaajiyo isku socodka, ganacsiga maxalliga ah iyo tayada guud ee nolosha bulshada Degmada 09.


