Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laantni Diridhaba mudane Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay in si hufan looga midho dhaliyo himilooyinka Xisbiga iyo Xukuumadaba loo baahan yahay in si ka sii adag looga shaqeeyo sidii hore.

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laantani diridhaba ayaa qiimayn ku saabsan hirgalinta qorshayaasha dhinacyada, magaalooyinka iyo tuulooyinka magaalada Diridhaba u qabtay rubuci 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2018 ka.

Madashan qiimaynta ah ayaa waxaa ka hadlay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laantani Diridhaba mudane Ibraahim Yuusuf oo sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu ku guulaystay in uu horumariyo guulo la taaban karo oo uu soo hooyay sannadihii u dambeeyay isaga oo isku duba riday xubnihiisa, hogaankiisa iyo taageerayaashiisa si loo xaqiijiyo horumarka guud ee dalka.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si ka badan sidii hore loo sii adkeeyo midnimada iyo u diyaarsanaanta fikirka, mawqifka iyo wax qabadka, isla markaana la hirgeliyo hindisaha xisbiga oo si hufan iyo isku duubni loo helo.

Waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in si ka badan sidii hore loogu hawl galo sidii si hufan looga midho dhalin lahaa himilooyinka xisbiga iyo xukuumadda, isla markaana looga fadhiyo in la sii xoojiyo qodobbada adag ee lagu muujinayo ficil ahaan, isla markaana la ogaado dulduleelada jira, laguna dedaalo sidii loo sii wadi lahaa hawl-qabadka.

Madasha dib u eegista waxaa ka hadlay lataliyaha gaarka ah ee madaxa xafiiska barwaaqo ee Diridhaba mudane Yonas Mbete oo soo bandhigay waxqabadkii u qabsoomay wajigii diyaarinta sanad miisaaniyeedka 2018ka. Waxa uu warbixintiisa ku faahfaahiyay in shaqada laga qabtay xoojinta Isbaheysiga Barwaaqo tayeynta iyo tayeynta dhalinyarada, uruurinta iyo abaabulka xogta xaaladaha siyaasadeed ee maamulka, kor u qaadista ka qeybgalka bulshada iyo ka faa’iideysiga cadaaladda ah ee dhinac walba ah, iyo taabo gelinta hab fikir siyaasadeed oo laga soo bilaabo xarunta dhexe ay tahay mid dhiirigelin leh.

Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay lagana dooday waxqabadka komishanka ee kormeerka iyo anshaxa xisbiga barwaaqo ee sanad miisaaniyadeedka 2018 ee rubucii 1aad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *