Madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo IDD mudane ibrahim yusuf ayaa sheegay in Itoobiya Isbeddelka Kadib Waxay Hirgelisay shaqooyin Dibloomaasiyadeed oo Guul leh si ay u illaaliso Danaha Qaranka.
Shirweynihii labaad ee Caadiga ahaa ee Xisbiga Barwaaqo ayaa laga soo saaray go’aamo sii wadi doona natiijooyinkii laga gaaray dhinacyada kala duwan.
mudane Ibraahom oo faahfaahin ka bixinayay go’aamadii xisbigu soo saaray ayaa sheegay in mabda’a ugu wayn ee xidhiidhka dibaddu uu yahay ilaalinta danaha qaranka ee horumarinta iyo koboca wada jirka ah ee wadamada jaarka ah.
Waxa uu sheegay in xisbiga barwaaqo uu ku dadaalayo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo wada kobaca dalalka deriska ah.
Waxa uu sheegay in ahmiyad gaar ah la siiyay sidii loo xaqiijin lahaa hadafka ah in si wada jir ah gobolka geeska Afrika loo hormariyo .
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay horumarka guud ee gobolka iyadoo adeegsanaysa saamaynta ay ku leedahay gobolka tiiyo la dhowrayo daris wanaaga iyo isdhexgalka geeska .
waxa uu intaa ku daray mudane Ibraahim in dal ahaan natiijooyin wax ku ool ah laga gaadhay hawlaha la qabtay si loo xaqiijiyo madaxbanaanida siyaasadda, dhaqaalaha iyo cuntada.
Mudane Ibraahim Yuusuf ayaa ku nuuxnuuxsaday sida lagama maarmaarka ay u tahay in Itoobiya ay ka muuqato masraxyada siyaasadeed ee caalamka waxaana uu tusaale usoo qaatay kamid noqoshaha ururka BRICS .


