Kalfadhigii 9-aad,Ee xili hawleedka 3aad sannadisa 4-aad iyo Ee golaha xildhibanada ismaamulka Diridhabe oo socday muddo labo maalmood ah ayaa lagu soo gabagabeeyay ansixinta magacaabis kala duwan iyo miisaaniyad dheeri ah.
Golaha ayaa sidoo kale xasaanadda ka qaaday hal xildhibaan.
Golaha ayana uu ansixiyaay Mudane injineer Cumar Ducale Madaxa Xafiska hotumarinta iyo dhismaha Magalaada diridhabe,Mudane Tasfa tsaga, garsooraha Maxkamada darajada koobad ee magaalada diridhabe,Mudane Kommandhar Maxamad Ibrahim garsooraha Maxkamada Raafcaanka Magalada diridhabe,Mudane Dahir Rooble Mareeyaha wakkaladda Isgadhsinta diridhabe,iyo Axmad Cabbdala guddomiyaha guddiga jogtada ee Sharcigga iyo Mamulka subaan ee golaha xildhibanada ismamulka diridhabe dhamantoodna wuxu goluhu ku ansixiyay cood buuxa.
Golaha ayaa sido kale ka dooday oo ansixiyay miisaaniyad dheeri ah oo ka badan laba bilyan oo Birr iyo laba xeer oo qabyo ah oo loogu talagalay hirgalinta horumarinta waddooyinka.
Dhinaca kale waxaa si aqlabiyad leh xasaanada loogala noqday mudane Cabdala Xasan oo kamid ahaa xubnaha golahaasi oo lagu tuhmay inuu ku kacay falal aan loo baahnayn.
Cabdilahi Cabdo
Sawir qade:Aganyaw Shawa araga


