Waxa subax Nimadi hore ee saaka bannaan bax si heer sare ah loo soo agaasimay qabteen Xubnaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Barwaaqo ee ismaamulkani Dir dhaba ayaa soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Socdaal iyadoo ay ku taagerayaan ama uu ujeedkisu ahaa ololaha doorashada 7-aad ee heer qaran iyo heer deegaan oo la filaayo inay qabsoonto bisha fooda nagu soo haysa ee ginbood 24keeda.
Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay duqa ismaamulka Dir Dhaba mudane Khadiir Jawhar oo xusay in xisbiga Barwaaqo uu guulo waaweyn kasoo hooyay horumarinta ka qeyb galka haweenka ee hogaanka iyo ka mid noqoshada xisbiga sanadadi lasoo dhaafay ee isbadalka Waxa uu sheegay in la sameeyay fursado wanaagsan oo lagu hormarinayo ka qeybgalka haweenka ee dhanka dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, adeegyada iyo howlaha hal abuurka.
duqu waxa uu intaa ku daray in xisbigu uu sii kordhin doono ka qaybgalka iyo faa’iidada haweenka oo aanu kaliya caawin haweenka heer kasta oo waxbarasho, balse la hirgelin doono nidaam taageero gaar ah si ay ula tartamaan oo ay si siman uga faa’iidaystaan fursadaha shaqooyinka dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Geesta kale madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laantisani dir dhaba mudane Ibraahim Yuusuf oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xisbi ahaan uu wax weyn ka qabtay kor u qaadista maqaamka haweenka ee siyaasada iyo go’aan qaadashada sanadihii isbadalka. Waxa uu sidoo kale sheegay in kordhinta ka qeybgalka haweenka heerarka kala duwan ee hoggaaminta ismaamulka la gaadhsiiyay meel wanagsan iyado laga qaybgaliayka haweenka ee go’aannada siyaasadeed.
Sido kale ku xigeenada afhayeenka golaha wakiilada shacabka ismaamulka Dir dhaba Marwo Kariima Cali ayaa dhankeeda sheegtay in xisbiga barwaaqadu uu ku dadaalayo sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka iyo faa’iidada guud ee haweenka iyo sidii haweenku u noqon lahaayeen kuwo ku tartama qayb kasta oo horumarka dalka ah Waxaanay haweenka ugu baaqday inay kaalintooda ka qaataan sidii loo dardar gelin lahaa loona dhamaystiri lahaa mashaariicda horumarineedna ay miro dhal u noqon lahaayeen, isla markaana doorashada toddobaad ee heer qaran iyo heer deegaanba ay ugu qabsoomi lahayd si nabad ah, dimuqraadi ah, oo lagu kalsoonaan karo.
Ugu danbayntii ayay masuliyiintu kula daraarmeen in ay shacaku doortaan xisbiga barwaaqo oo ay calaamdiisu tahay xidhmo qamadi ah.


