Tartan 10-km ah oo waddooyin ah ayaa lagu qabtaa ismaamulka dir dhabe iyadoo fikradda ah “Aan u cararno si aan u taageerno aabyasheen iyo hooyoyinkeen” oo ay ka qaybgaleen ciyaartoy caan ah iyo xubno badan oo bulshada ah.
Tartanka Orodka ee uu soo qaban qaabiyay Dawit aargaawiyaan Merja oo kaashanaya komishanka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa waxaa ka qayb galaya maayarka magaalada dir dhabe mudane Khadir Juhar, afhayeenka golaha maamulka dir dhabe Marwo fatxiya Aden iyo dadwayne aad u badan oo ku dhaqan magaalada. .
Ujeedada ugu weyn ee orodka waddooyinku waa daryeelka iyo taakulaynta waayeelka.
Shucayb daahir
Sawirka: -Aganywo shawaarag


