Saaka oo saacadu markay ahayd 12:00 Subaxnimo ka bilaabmay fagaaraha lagaarka diridhabe, waxa ka bilaabmay socdal lug ah oo u maamulku ku soo mareen hawlaha horumarinta wadooyinka iyo sidoo kale bandhig sawireed lagu soo bandhigayay muuqaalka guud ee xafladan oo lagu soo bandhigayay sadexdii sano ee la soo dhaafay ee xisaha toddobadka diridhabe, iyo barnaamij cunto dhadhamin ah oo ku saabsan cuntooyinka macaan iyo kuwa hidaha iyo dhaqanka.
Daqa is maamulka magaalada Diridhabe Mudane Khadir Juhaar, masuuliyiin sarsare, Ambassador Fitsum Araga, qurbajoog ka kala timid dacalada dunida, iyo shacabka ku dhaqan magaalada ayaa ka qayb galay safarkan tareenka ee ka soo bilawday xarunta warshada rashinka ee Diridhabe kuna soo dhamaaday Shiniile.


