Waxaa laa sheegay in xoogga la saari doonoo horumarinta waddooyinka si loo sugo ammaanka waddooyinka

Wakkalada maamulka wadooyinka ee is maamulka diridhaba ayaa hogaminta dagmooyinka magalada diridhaba u qabtay kulan logaga hadlayay hawlaha horumarka ee waddoyinka magalada.

Waxaana uu horaynti madashasi ka hadlay mareeyaha wakkaladda mamulka waddoyinka ismamulka diridhaba,mudane Tedhiroos Fiqre,dros, oo sheegay in maamulku uu wado shaqooyinka balaadhinta jidadka magaalada iyo kuwa miyiga si loo horumariyo bulshada iyo dhaqaalaha.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha horumarinta waddooyinka oo ku salaysan baahida dadka.

Waxa kalo laa tilmaamay in dagmoo kaste looga baahan yahay in ay kaalintooda ka qaataan ilaalinta amniga waddooyinka, isla markaana la sameeyo isku xirka sidii tallaabo waxbarasho looga qaadi lahaa dadka dhibaatada ka gaysta waddooyinka.

Dhanka kale,Injineer Yaasiin Axmad,oo ah Agaasimaha Dayactirka iyo Horumarinta Waddooyinka ee wakkalada, ayaa sheegay in la sii dardargalin doono dhismayaasha cusub ee dayactirka waddooyinka ee magaalooyinka iyo miyiga, isagoo sharraxaad ka bixiyay qorshayaasha waaxyaha maamulka ee dhismaha waddada.

Waxa uu sheegay in balaadhinta waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha guud marka laga soo tago horumarinta adeegyada gaadiidka.

Kulankan ayaa lagu dhiirigaliyay shaqada ay hayaan mas’uuliyiinta, waxaana lagu dhawaqay in la sii xoojiyo howlaha la isku dabba ridan ee xaquuqda loo leeyahay si looga midho dhaliyo wax qabadka wanaagsan.

Ugu danbayn Ka qayb galayaasha kulanka ayaa booqday hawlaha horumarinta wadooyinka ee ka socda xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *