Kuliyada tababarka farsamada gacanta iyo xirfadaha waxay ka shaqaynaysaa sidii ay u noqon lahayd xarun heer sare ah oo dhanka tareennada ah ee Bariga Afrika.

Injineer Habtamu Wasiirka Macdanta oo booqday howlaha horumarineed ee ka socda ismaamulka dir dhabe ayaa waxaa goob joog ka ahaa duqa magaalada mudane Khadir Juhar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Iyadoo qayb ka ah jadwalka, martidu waxay booqdeen kuliyada farsamada gacanta iyo xirfadaha .

taas oo ay ku arkeen hirgalinta mashruuca is bedelka caruurta ee bariga Afrika iyo mashruuca isdhexgalka gobolka oo ay ku baxayso lacag dhan 14 milyan 850 kun oo dollar.

Mashruucu waxa uu socdaa in kuliyada farsamada gacanta iyo xirfadah laga dhigo xarun heer sare ah oo dhanka tareenka, Makaanikada ee laydhka iyo Metallurgical Engineering.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 535 milyan oo Birr, waxaana mashruucan ka kooban yahay qolal ay ardaydu seexdaan, goobo waxbarasho, maktabado iyo maqaayado.

Hada habka shaqadu waxa uu gaadhay 81 boqolkiiba waxana la filayaa in la dhamaystiro bisha soo socota.

Mashruucan ayaa fursado shaqo u abuuray in ka badan 250 muwaadiniin ah.

Shucayb daahir

Sawirka:- Aganywo shawaara

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *