Xafiiska shaqada iyo xirfadaha ee ismaamulka diri dhaba ayaa qalin jabin u sameeyay in ka badan 270 arday oo ka qalin jabiyay kuliyada farsamada gacanta,ee dire poly, barnaamijka xagaaga.

Waxaa maanta xaflaad qalin jabin ah losameey dhalinyar u tababaranaysay tababark ciwaakisu aha muwadin iyo hal xifafad oo uso aggasimay xafiska xirfadaha iyo shaqo abburka ee ismamulka diridhaba.

Waxaana furitaanka xaflada qalin jabinta ka hadlay Madaxa Xafiiska Shaqaada iyo Xirfadaha Mudane Robel Getachew, oo sheegay in horumarka dalka ay ka go’an tahay muwaadiniinta ku horumaray xirfad iyo karti.

Mudane Robel, waxa uu intaa ku daray in Xafiiska Shaqaada iyo Xirfadaha ee is Maamulka diri dhaba, uu xooga saarayay sidii loo soo saari lahaa arday xirfad iyo farsamo yaqaan ah saddexdii sano ee u dambeeyay.

Geesta kale,Maareeye ku xigeenka Xafiiska Shaqaalda iyo Xirfadaha ee is Maamulka diri dhaba, Marwo Fadum Mustafaa,ayaa sheegtay in ardayda la barayo farsamada gacanta iyo ay ku baraarugeen xirfadooda iyo kartidooda.

Dhaankoda,Ardaydi qalin jabisay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin fursadaha shaqo ee uu xafiisku siiyay ayna ku dadaali doonaan sidii ay noloshooda wax uga badali lahaayeen oo ay bulshada ugu adeegi lahaayeen dhanka farsamada gacanta ee ay barteen.

Gabagabadii barnaamijka ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ardaydii ka qalin jabisay kuliyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *