Maanta, Wakaaladda Dakhliga Ismaamulka Dire Dhabbe ayaa qabatay madal dood wacyigelin ah oo lala yeeshay canshuur-bixiyeyaasha, taasoo diiradda lagu saarayay qalabka diiwaangelinta iibka iyo isticmaalka rasiidhka. Madashan ayaa loogu talagalay in lagu kordhiyo fahamka iyo wacyiga canshuur-bixiyeyaasha.
Maareeyaha Guud ee Wakalada, Dr. Cabdisalaam Maxamed, ayaa sheegay in ujeeddada madashu tahay in la baro canshuur-bixiyeyaasha muhiimadda isticmaalka rasiidhka, gaar ahaan xilliyada ciidaha oo ay bataan macaamillada ganacsi isla markaana dhaqaaluhu kobco.
Wuxuu xusay in wakaaladdu waddo olole ballaaran oo wacyigelin iyo tababar ah, si canshuur-bixiyeyaasha loogu fududeeyo u hoggaansanaanta sharciga.
Intii ay socotay madasha, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay noocyada diiwaannada iibka, rasiidhada gacanta, iyo sida canshuur-bixiyeyaashu u isticmaalaan qalabka diiwaangelinta iibka.
Ka qaybgalayaashu waxay sidoo kale su’aalo weydiiyeen oo faallo ka bixiyeen xogtii la soo bandhigay, taasoo gacan ka geysatay faham dheeraad ah iyo is-dhaafsi aqooneed.


