Inkasta oo ay jiraan saddex mashruuc oo la qorsheeyay 2016-17 Kesira, Depo iyo Nembarwaan ayaa hadana waxaa la xusay in laga soo shaqeeyay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka biyo-mareennada iyo khatarta fatahaadda ee deegaanka loo yaqaanno dejinta beddelka oo qorshahan lagu ansixiyay, waxaana la gaaray in ka badan boqolkiiba sagaashan iyo shan, waxaana lagu guuleystay in la yareeyo dhibaatooyinka bulshada.
Sidoo kale waxaa warbixinta loo soo gudbiyay bulshada lagu xusay in mashaariicdii la qorsheeyay 2017ka aan la ansixin lana fulin sababo la xiriira miisaaniyad yaraan.
Dhismaha garoon caruurtu ku ciyaaraan oo laga dhisayo Depo,Dhismaha Guryo ay wadaagaan Naafada Nembarwan,Dhismaha Taangiga oo dhib weyn ku haya Mariam Sefer,waa mashaariicda horumarinta bulshada ee la qorsheeyay 2017ka.
Waxaa la tilmaamay in inkastoo ay lagama maarmaan tahay in laga wada qeyb qaato sidii lagu guuleysan lahaa arrimahaas, haddana sidii la filayay aysan ahayn. Si taas wax looga qabto, sida meelaha kale, saamiga beeshu waa boqolkiiba lixdan, dawladduna waxay dabooshaa boqolkiiba afartan ka soo hadhay. Magaalada Diridhaba, saamiga bulshadu waa boqolkiiba afartan, taas oo iyaduna dhibaato ah.
Madasha ayaa lagu soo gabagabeeyay doorashada xubnaha guddiga ka qeybgalka horumarinta bulshada ee la qaban doono sanadka 2018ka.


