Xoorrey /tahaasaas 23/2017 T.I
Carwo bandhiga bacadlaha iyo ururada iskashatoyinka oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 90 shirkadood oo model ah ayaa maanta si rasmi ah loo furay.
Carwo bandhiga ayaa waxaa furay mudane Robel Getachu, oo ah madaxa waaxda horumarinta xirfadaha ganacsiga iyo tignoolajiyada.
Mudane Robel ayaa sheegay in shirkaduhu aysan suurtagelin doonin oo kaliya in ay abuuraan xiriir suuq oo ay la sameeyaan macaamiishooda iyaga oo soo qaban qaabinaya bandhig ganacsi iyo suuq, balse ay xasilin doonaan qiimaha suuqa.
Maadaama ay tahay xilliga ciidaha soo socda, wax soo saarka maalinlaha ah ee la isticmaalo sida daqiiqda, sonkorta, saliidda, digaaga iyo ukunta ayaa la heli karaa tiro iyo tayo ahaanba.
Wuxuu sheegay in dadka dharka dhaqameedka ah ee qiimo sare ku iibsan jiray ay ku heli doonaan bandhigga iyo suuqa qiimo macquul ah.
Bandhiga shanta maalmood ah kaliya ma abuurayo isku xidhka suuqa, balse waxa uu sidoo kale fursad siinayaa shirkadaha si ay kor ugu qaadaan wax soo saarkooda iyo adeegyadooda.
Shucayb daahir
Sawirka: Aganyawo shawaarag


