Waxa dir dhabe ka qabsomay kulan dood wadag ah oo hal ku dhig loga dhigay ” in laga gudbo gargaar sugid loona gudbo wax soo sar si loo helo madax banani iyo sharaf qaran oo dhamaystiran.

Kulankan ayaa waxa ka so qeybgalay madexweyanaha dawlada deegaanka cusub ee kunfurta itoobiya mudane Tilhun Kabedhe,

Duqa ismamulka dir dhabe mudane Khadir Jawhar madaxa xafiska xisbiga barwaaqo laantiisain dir dhabe mudane Ibrahim Yusuf iyo shacabka kala duwan ee ku dhaqan ismaamulka dir dhabe.

Mudane Ibrahim yusuf madaxa xafiska xisbiga barwaqo lantiisa dir dhabe oo madasha hadalki furitaanka kasoo jeediyay ayaa sheegay in

Inkasta oo dalku lahaa milgo iyo sharaf badan hadana madama aan ka faa’iidaysan weynay dhulka barwaaqada ee na siyey waxa aan noqonay kuwa gacmaha hoorsada xisbiga barwaqo ayaa u tafa xaytay in dalku ka gudbo gargaar sugid loona gudbo wax soo sar si loo helo madaxbanani,milgo iyo sharaf.

Waxa uu intaasi ku daray in dhalinyaradu ay ku dadasho siddii dalka looga sari laha dulsarnimada una noqon laha dal wax soo sar leh oo isku kalson.

Geestisa Mudane Khadir Jawhar duqa ismamulka dir dhabe oo madashasi ka hadalay ayaa sheegay in loo bahan yahay shacbku in ay ka baxaan dulsarnimada noqdana dad wax soo sar leh oo horumara.

Mudane Tilhun kebedhe madexweyhana deganka konfurta itoobiya ayaa soo bandhigay qoralo ka turjumaya sidi looga gudbi laha dulsarka loona soo saari laha dal madaxbanan oo wax soo sar leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *