” oo ah buug taariikhi ah oo uu qoray ismaacil maxamed , kana sheekaynaya aasaaskii kooxda fanka ee xidigtii shuura iyo aasaaskii xarunta dhaqanka Oromada ee Afaran qaaloo iyo waxqabadkii halgamayaashii wakhtigan ayaa la daah furay
Mudane Khedir Juhar oo ah duqa Ismaamulka dir dhaba goob joog ka ahaa munaasabadii lagu soo bandhigayay buugan ayaa akhristayaasha u soo jeediyay magaca “dhinbiishiisa ee halganka”. Waxa uu sheegay in qisadii halgamayaashii iyo taariikhdii “ idaaradda aasay, ee dagaalamayey” waxa soo jeedinaya Ismaaciil Max’ed oo isagu ahaa hoggaamiyaha kooxdan tan iyo markii la aasaasay, taasoo muujinaysa ahmiyadda buugga.
Duqa magaalada mudane Khadir Juhar ayaa masraxa xaflada soo bandhigida ka sheegay in buugan la oran karo waa buug ka mid ah buugaagta taariikhda ugu wanaagsan ee laga qoray dir dhabe , kaasoo ka sheekeynaya taariikhda ay soo martay xarunta fanka, siyaasadda iyo dhaqanka ee dir dhabe.
Buuggan taariikhiga ah oo ka kooban boqol iyo sideetan bog iyo shan iyo konton mawduuc oo kala duwan, oo cinwaankiisu yahay “dhibiishisaa” waa bar bilow u ah aqoonyahannada iyo cilmi-baarayaasha Qaamuuska siyaasa iyo fanka ee luuqada Afaan Oromo, sida uu sheegay macalin caliye cabduraxmaan waxay yihiin.
Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen afahyeenka golaha wakiilada ee ismaamulka dir dhabe , Marwo fadxiya aadan ku xigeenka goolaha afahayeenka marwo kariima cali madaxa xafiiska xisbiga barawaaqo ee Laanta dir dhabe mudane Ibraahim Yuusuf, masuuliyenta sare ee ka tirsan maamulka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munasibadani .
Qoraaga Ismaaciil maxamed ayaa dib ugu soo laabtay dalkiisa kadib kuntan iyo todooba sano oo uu dibad joog ahaa, waxaana isla xafladan daahfurka buuga lagu soo bandhigay C/raxmaan Barentu oo dalka dib ugu soo laabtay kontan sano oo uu dibad joog ka ahaa, waxaana ka mid ahaa fanaaniinta Shentem Shubisa, fannaanka Muxamed Sheka, xubin. oo ka tirsan Golaha Wakiilada, Dhaqtar Sharafeed, Suxufi iyo qoraa Muxamed Axmed Kope Aba Geda cabduraxmaan , kooxaha fanka hiwaayadda ee da’da yar iyo xubnahooda ayaa waxa uu u mahad naqay qaban qaabiyaasha xafladda daahfurka buugan iyo guddiyadii ku hawlanaa daabacaada buuggan.
Shucayb daahir
Sawirka: Aganywo shewarega


