Waxaa laa sheegay in dhaqaanka is caawinta lasi xoojiyo sii loga baxo dul sarnimada.

Komishiinka maaraynta khatarta masiibooyinka ee ismaamulka Diridhaba ayaa maanta kulan ay la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada si ay bulshada ugu wacyi galiyaan sidii ay u abaabuli lahaayeen masuuliyada qoyska iyo ururka iskaashiga bulshada waxa uu qabtay kulan wacyi galin ah.

Waxaana madashan kaso qayb galay oo ka hadlay Mudane Shaakir Axmad oo ah ku xigeenka xafiiska xisbiga barwaqo ee Laanta Diridhaba ahna madaxa qaybta siyaasadda iyo tayaynta ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen midho dhalka hindisaha iyo shaqada lagu xaqiijinayo in in ka badan 23.5 milyan oo qaybaha bulshada ah ay ka barakaceen guud ahaan dalka.

Mudane Shaakir ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo dhaqan is-taageeraan iyo bulsho aan kala sooc lahayn.

Masuulku waxa kalo uu sheegay in ay wadaan hawlo baaxad leh oo bulshada loogu suurtagalinayo in ay la tacaalaan masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadmiga ah ee dagdaga ah.

Dhanka kale,Mareeyaha ka hortagga khatarta masiibooyinka ee ismaamulka Diridhaba,Mudane Sulaymaan Cali, ayaa sheegay in howlaha ay fuliyeen dhammaan gargaarka bani’aadanimo sii lo cidhib tiroo dul sarnimada.

Mudane Sulaymaan ayaa sheegay in guddi laa sameeyay oo ka hawla gaka xoojinta dhaqanka is garabsiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *