Golaha ayaa kal-fadhigi caadiga ee 7aad xili hawleedki 3aad sanadkisi 3aad lagu dhagaystay warbixinta waxqabadka xafiisyada adeeg bixiyayaasha iyo kuwa dawlada hoose iyado warbixuntani soo jeediyay duqa ismaamulka dir dhabe mudane khadiir juhar ayaa soojeedin kadib ay xildhibaanadu ka doodeen su’aalana ka waydiiyeen warbixintaasi.
Su’aalihi xildhibanadana waxaa uga jawaabay duqa ismaamulka mudane khadiir juhar kadiba waa la ansixiyay.
Geesta kale golaha yaa ansixiyay magacaabis taasi oo uu soojeediyay duqa ismaamulka ayaa waxaa xafiiska caafimaadka ee ismaamulka dir dhabe loo magacaabay D/r sigareedha kifle.
Sido kale waxaa la magacaabay garsoorayaasha maxkamada rafcaanka ee dir dhabe iyado ay garsoorayaasha la magacaabayna kala yihiin 1 garshoore cawale cilmi, 2 garsoore fahmi cabdo 3 garsoore abayneh mulaatu.
Marwo karima cali oo ah ku xigeenka af hayeenada golaha ayaa xubno buuxin doona gudiyada joogtada ee golaha oo ay qaarkood xuno ka dhinaayen dhamaana cod buuxa ayaa lagu wada ansixiyay.


