Waxaa la qabtaay Shir Sannadeedka 13aad Ee Baangiga Dhiiga.

Magaalada Diridhaba ayaa waxaa maanta ka furmaya shirwaynihii 13-aad ee Bangiga Dhiiga.

Waxaana ugu horaynti shirkasi ka hadlay Duqa Magaalada Diridhaba Mudane Khadir Juhaar,

Isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay shirka ka socda Diridhaba, Wuuxuna fariin soo dhawayn ah u jeediyay ka soo qaybgalayaasha shirka.

Xafiiska caafimaadka ee is maamulka Diridhaba ayaa si wayn ugu hawlan ilaalinta caafimaadka bulshada iyo dhawrista xaqa uu muwaadinku u leeyahay inuu daryeel caafimaad helo.

Duqa magaalada mudane Khadir, ayaa sido kale sheegay in bangiga dhiiggu uu sii wadi doono hirgalinta nidaamka dijitaalka ah iyo hababka maamulka ku salaysan hal-abuurka si loo horumariyo adeegyadooda.

Geesta kale,Wasiir dowlaha wasaaradda caafimaadka Marwo Saxarla Cabdullaahi, ayaa sheegtay in dhammaan shaqooyinka dhiig-shubidda ay u baahan yihiin taxadar maadaama ay ku xidhantahay rajada nolosha bukaannada.Waxay sido kale sheegtay marwo saxarla, in aay sii wadi doonan dar dar galinta shaqada dhigga iyo habaynta hal abuurka.

Wasiirku waxa ay sheegtay in Baagiga Dhiiga iyo Bulshada Itoobiya (EBHB) uu ka shaqaynayo habab casri ah oo lagu horumarinayo adeegyada tayada leh ee waaxyaha laga soo bilaabo ururinta dhiigga ilaa la isu gudbiyo.

Agaasimaha Guud ee Adeegga Bangiyada Dhiiga iyo Bulshada ee Itoobiya Dr. Ashanafi Tazabaw, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la isku dayo sidii loo xoojin lahaa adeegyada bangiyada dhiigga iyadoo loo marayo casriyaynta iyo hal-abuurnimada.

Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee is Maamulka Diridhaba Dr.Tsgeredha Kifle, ayaa sheegtay in magaalada Diridhaba ay tahay xarun ganacsi, warshado iyo maalgashi, waxaanu u duulinay sidii kuwo loo tababaray oo loo maamulay hab casri ah.

Shirkan ayaa lasheegay inu socon doono labo maalmood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *