Waxaa Lagu Qabtay Isbahaysiga Barwaaqo ismaamulka Diridhaba Madal Halku dhigeedu ahaa “U badalka Itobiya Dal Ku Dayasho mudan” ayaa lagaga hadlay Socdaalkii Xisbiga Barwaaqo ee Sanadihii lasoo dhaafay iyo Dhinacyada diirada lagu saari doono sanadaha soo socda.

Xafiiska Arrimaha warfaafinta dawlada ee ismaamulka Diridhaba Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Isbahaysiga Barwaaqo ee ismaamulka Diridhaba madal halku dhigeedu yahay “In Itoobiya loo bedelo dal ku dayasho mudan” ayaa lagaga hadlay socdaalkii sannadihii la soo dhaafay ee xisbiga barwaaqo iyo dhinacyada uu diirada saarayo sanadaha soo socda.

Xubnaha Isbahaysiga ee ka soo qayb galay madashan ayaa si hufan u fahmi doona geedi socodka horumarineed ee uu dalku ku socdo, isla markaana awood loo siin doono sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dhammaan dhinacyada isbedellada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *