#Warka Kuliyadda Farsamada Ee Ethio-Italian Polytechnic Iyo Diridhabe Polytechnic College Ayaa Sii Wada Jir Ah Waxaa Maanta Uga Qalin jabiyay 681 Arday Oo Tababar ku qaatay qaybo Kala Duwan.

Waxana Xafladda qalin jabinta ardayda Marti Sharaaf ka aha Duqa Magaalada Ismamulka Diridhabe Mudane Khadiir Juhaar oo ugu horaynti hambalyo u diray ardayda qalin jabisay ayaa sheegay in Waqti xaadirkan aay ismamulka diridhabe ka jiraan xarumo badan oo warshado wuxuna duqu ugu baqaay ardayda maanta qalin jabisay in ay ka faa’idaystaan ​​shaqoyinka laxidhidha tabobarka farsamoyinka aay so barteen.

Wuxuuna ardayda qalin jabisaay ku dardaray Mudane Khadiir in ay si hufan ugu adeegaan bulshada.

Dhanka kale Madaxa Xafiiska Xirfadaha Shaqada iyo Horumarinta Tiknoolajiyada Ee Is Maamulka Diridhabe Mudane Robel Getachaw oo sheegay in maanta ay ka qalin jabiyeen 681 arday oo ka qalin jabiyay culuum kala duwan oo 447 ka mid ah ay yihiin Haween.

Mudane Roobel, ayaa sido kale tilmaamay in hawlo badan oo maamulku ay ka qabteen tayaynta xarumaha farsamada gacanta iyo saray u qaadida tayada tababarayaasha, wuxuuna sheegay inay halkasii ka sii wadi doonaan mustaqbalka.

Ugu danbayn,Ardayda qalin jabisay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay bulshada ugu adeegi doonan sii daacadnimo ah dhanka shaqada ee lagu tababaray.

Cabdilahi Cabdo

Sawir qade; Aganyaaw Shawa araga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *