Madashan dood cilmiyeedka ah ayaa waxa loo qabtay mulkiilayasha warshadaha, maamulka, iyo cidaha ay qusayso halkaas oo ay shirgudoominayeen kuxigenka duqa ahna madaxa xafiska ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha ee Ismaamulka Dirdhaba Mudane Xarbi Buux iyo kugeenka Mudane Cabdi Mukhtaar
Mudane Xarbi Buux ayaa sheegay
waxsoosarka warshaduhu in ay kamid yihiin nidaamyada casriga ah ee caalamku ku horow maray
waxa kale oo uu sheegay in wax soosaarka warshaduhu ay door muhiim ah kuleeyihiin horumaka dalka
wuxuna tilmaamay in ujeedada guud ee xooga loo sarayo waxsoosarka dalka ay tahay qoddobo ay kamid yihiin in ay ka qayb qaataan shaqo abuurka, koboca dhaqan dhaqaale ee dalka, si uu dalku u yeesho agab laga dhoofiyo, sido kale laga maarmo agab looso dhoofiyo
waxa kale oo uu sheegay in Ismaamulka Dirdhabe dhinaca waxsoosaarka warshadaha uu taaganyahy 54% lana rabo in lagaadhsiiyo 61%
wuxuuna inta ku daray in Ismaamulka Dirdhabe ay ka jiraan 364 warshadood oo shaqo abuur u samaysay 24,000 oo qof
Ka-qaybgalayaashii madasha ayaa soo dhaweeyay taageerada dowladda ee warshadaha, iyagoo xusay in loo baahan yahay in la horumariyo bixinta adeegyada muhiimka ah, sida korontada iyo maaliyadda, si loo xoojiyo wax-soo-saarka warshadaha.


