Annagu ma nihin kaliya, carruurta wabbiga nil, ee waxaan nahay sidoo kale boqorttoyada wabiga Nil.

Taliyaha guud ee Booliska Diridhaba.Komishineer Alamu Magra.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Diridhaba Alamu Magra oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in biyo xidheenka wabiga abay uu yahay Dhaxalkeena, maadaama riyadii awoowayaasheen ee ahayd in la xaddido wabiga Niil ay rumowday markii la xidhay. Waxa uu intaasi ku daray in dhamaystirka Biyo-xireenka abay, gaar ahaan iyadoo lala kaashanayo sanadka cusub ee 2018-ka, loo arko bilow cusub.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in biyo xidheenka wabiga abay oo ay wada dhisteen oo ay dhamaystireen dhamaan shacabka reer Itoobiya oo leh hal fikir, hal ujeedo iyo aragti, isla markaana leh awoodeena, kharashkeenana ku bixinayna taageero dibadeed, uu sii xoojin doono midnimada iyo wadajirka ay Itoobiyaanku ku baaqayaan, midnimaduna waa guushii ugu waynayd ee aynu ka gaarnay jabinta afkaarta gurracan ee kooxaha dibadda iyo gudahaba.

Daah-furka biyo xidheenka wayn ee Ethiopia ayaa kusoo beegmaya xili loo dabaal dagayo sannadka cusub waxana uu ku soo beegmay wakhti gaar ah oo Itoobiya u waaberiisteen oo ay ka soo dhalaaleen hawlo horumarineed taas oo ka dhigaysa mid aad looga farxo.

Komishiineerku waxa kale, oo uu dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan qaranka, waxaanu yidhi “Waxaan idinku hambalyeynayaa, xubnaha jiilka ah ee ka qayb qaatay taariikhdan.

Komishaneer Alamu, oo sheegay in aanu ahayn carurta wabiga Niil oo kaliya balse sidoo kale aynu nahay boqorada wabiga Niil waxa uu ku nuux nuuxsaday in aynu xoojino midnimada iyo wada jirka aynu ka muujinay biyo xidheenka abay ee arimaha kale ee qaranka isla markaana aynu ka yeelno sanadka cusub ee fooda inagu soo haya oo abuuray jawi gaar ah oo ka badan sidii hore, gogol xaar u ah horumarka ay Itoobiya ku gaadhi doonto barwaaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *