Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha ee Xisbiga Barwaaqo laantisa diridhabe iyo Xafiska Isgaadhsiinta Dawladda Ee Is Maamulka Diridhabe ayaa wada hawlo kormeer ah oo lagu xoojinayo hawlaha warbaahinta iyo isgaarsiinta.
Kormeerka taageerada Ee maanta ayaa laga fuliyay dagmooyinka 02 iyo 03 ee ismaamulka diridhabe iyadoo la suurtagalinayo hawlaha horumarineed ee ay dowladdu qabato si ay shacabka u gaaraan; Marka laga eego dhinaca kordhinta daboolida helitaanka macluumaadka, u suurtagalinta su’aalaha dadwaynaha si ay u helaan jawaab celin habboon, iyo sidoo kale joogtaynta macluumaadka iyo habraacyada iskudubarid ee hay’adaha, wuxuu arkay wax badan.
Kormeerka taageerada ah ayaa lagu sheegay in hawlaha warbaahinta iyo isgaarsiinta ee dagmooyinka ka socda ay yihiin kuwo lagu dhiirigalinayo dagmooyinka magalaada iyo kuwa miyiga ee ismamulka diridhabe.
Cabdilahi Cabdo
Sawirka:Aganyaw Shawa araga


